Sababta talaalka Cabuuqa aan sanad kasta u qaato 

Af Soomali

Capture.PNG

Su'aalaha la is weydiiyo. 

Waa maxey Cabuuqa? 

Cabuuqa was Fayrus keena xanuun dhibaato wata mararka qaarkoodna isku bedeli kara cudur halis ah. Taasina waxeey sababi kartaa dhibaatooyin keenta in isbitaal lagu seexiyo. Dadka u jil-jilicsan Cabuuqa Covid-19 ka, waxeey sidoo kale halis u yihiin nooc kasta oo cabuuqa fayruska ah. 

Cabuuqa ma wuxuu la mid yahay hargab xumaadey?  

Cabuuqa waa jirro daran oo sanad kasta disha dad tiradooda dhan tahay 11.000 oo qof, in ka fara badanna isbitaalka la seexiyo. Taasi waxay kuu keeni kartaa jirro daran sida burunkiito ama xubnaha jirka oo shaqeyn waayaan.   

Sideen ku kala ogaan karaa Cabuuqa ama Covid-19 ka?  

Astaamaha Fayrus ka Cabuuqa caadiga ah iyo midka Covid-19 ka weey is shebahaan kuwaasoo ah xumad serena iyo qufac. Waxaa dhici karta ineey adkaato ogaashada midka ku haya. Sidaas daraateed ayeey muhiim u tahey inaad talaalka qaadato hadaad xaq u leedahey. 

Talaalka Cabuuqa.    

Talaalka Cabuuqa marnaba kaama difaacayo Fayrus ka Covid-19, lakiin waa diifaca ugu fiican oo looga hor tagi karo fayruska cabuuga caadiga ah. 

Talaalka wuxuu kaa difaacayaa fayruska Cabuuqa 40-60%. 

Talaalada Cabuuqa badidooda ee dadka waaweyn loogu tala galey waxaa laga sameeyey Fayrus kii oo hurda, iyadoo kii firfircoonaa la diley si uusan waxeyeelo kuu geysan ama aadan ku xanuunsan. Fayriska markuu hurdo waxaa loo isticmaalaa in laga sameyo talaalka, kasoo anfacaya kor u qaadidda difaaca dabiiciga ah ee jirka oo ka hortagaya Cabuuqa laakiin aan marnaba dhib u keeneyn dadka caafimaadka qaba.  

Muxuu ka sameysan yahay talaalka Cabuuqa? 

Waxaa jira dhowr nooc oo kala duwan oo ah tallaalka Cabuuqa loo istucmaalo Boqortooyada Midowdey (UK), xilli kasta oo ah waqtiga Cabuuqa imaado waxyaabaha laga sameeyo talaalka weey kala duwan yihiin. Fayruska jiifa oo ku jira tallaalka waa uu koobani yahay. Talaalka badidiisa waa fayruska midkiisa jiifa, biyo iyo maadooyin kale oo ilaalinaya in talaalku ahaado mid deggen. Wixii macluumaad dheeraad ah guji meeshan Click here. Markaad u xaadirto talaalka waxaad codsan kartaa bug yaraha bukaanka oo eey ku qoran yihiin dhamaan waxyaabaha tallaalka uu ka kooban yahay.  

Miyaan ku xanuunsan karaa? 

Tallaalka Cabuuqa kama qaadeysid Cabuuq.  

Inta badan waxyeelada talaalka waa wax fudud oo aan dheereyn, badanaa wuxuu socdaa 1-2 maalmood.  

Soo diiyaarinta talaalada waxeey qaadataa waqti badan iyo dadaal dheeraad ah inta aan dadweynaha loo soo bandhigin. Waxaa lagu siinaya talaal sanado badan laga soo dhameeyey oo lasoo tijaabiyey, oo soo shatiyeeyeen urur la yirahdo Medicine and Healthcare products regulatory agency (MHRA) badbaadana u ah isticmaalka.